Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Murashaxiinta Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir Shahaadooyinkan ayaa loo guddoonsiiyey 20 Urur Siyaasadeed, kuwaas oo si rasmi ah uga qayb-galaya tartanka doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir. Shahaadooyinka la bixiyay waxay xaqiijinayaan in murashaxiinta ururradaasi ay buuxiyeen shuruudihii sharci iyo farsamo ee looga baahnaa ka-qaybgalka doorashada.
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay marxalad muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka doorashooyinka tooska ah, isla markaana ay ka tarjumeyso dadaalka lagu hirgelinayo nidaam doorasho oo hufan, caddaalad ah, isla markaana loo dhan yahay.
Sidoo kale, Guddigu wuxuu hoosta ka xariiqay in Ururrada Siyaasadda iyo murashaxiintooda laga doonayo inay u hoggaansamaan xeerarka iyo anshaxa doorashada, si loo xaqiijiyo jawi nabdoon oo ay si xor ah ugu tartami karaan murashaxiinta.
Ugu dambeyn, munaasabaddan shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey Ururrada Siyaasadda ayaa ah tallaabo horumarineed oo xoojinaysa dimuqraadiyeynta iyo ka-qaybgalka siyaasadeed ee bulshada, gaar ahaan doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, taas oo ah tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo xoojinta nidaamka federaalka ee dalka.