Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Axmed Nuur Cismaan Xaaji oo maanta iska diwaan Galiyay Galkacyo
Xilli Magaaladda Galkacyo iyo deegaanada hoostaga ay si weyn uga socoto isdiwaan galinta Doorashooyinka Dadweynaha ee Doorashooyinka Golaha deegaanka Dagmada Galkacyo ayaa waxaa maanta Magaaladda Galkacyo iska diwaan galinayay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dr Axmed Nuur Cismaan Xaaji oo maalmahaan howlo shaqo ku joogay magaalada Galkacyo
Wasiir Axmed Nuur Cismaan Xaaji ayaa intii uu ku sugnaa goobta ay ka socatay isdiwaan galinta la hadlay bulshadii safafka ugu jirtay isdiwaan galinta Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo waxaana uu uga warbixiyay ahmiyadda shacabka Reer Galkacyo iyo Guud ahaan dalka soomaaliya ku nool isagoona xusay in maanta ay nasiib u leeyihiin in cidda iyagu rabaan oo ay u arkaan in ay wax ka qaban karto dhibaatooyinka jira ay doortaan
Ugu danbeyn wasiirka ayaa uga mahad celiyay shaqaalaha Gudiga Doorashooyinka iyo soohdimaha qaran sida ay ugu adeegayaan bulshada uguna fududeeyeen isdiwaan galinta Dadweynaha.