Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabistan ku saleeyay baahida loo qabo xoojinta hannaanka shaqo ee Wasaaradda, si loo dardar-geliyo howlaha la xiriira arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta dalka.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud ee cusub kula dardaarmay inuu u guto waajibaadkiisa si hufan, daacadnimo iyo xil-gudasho ku dheehan tahay, isagoo xusay in masuuliyadda loo igmaday ay tahay mid qaran oo u baahan dadaal iyo karti sare.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Agaasimaha Guud uu la shaqeeyo hoggaanka Wasaaradda, hay’adaha kale ee dowladda iyo dowlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo hirgelinta siyaasadaha iyo qorshayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali guul iyo horumar inta uu gudanayo waajibaadka cusub ee loo igmaday.