Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ayaa maanta indhaha ku haya Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, taasoo ah dhacdo taariikhi ah oo muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.
57 sano kaddib, maanta waxa si rasmi ah u hirgalay in dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah codkooda u dhiibtaan, iyagoo dooranaya cidda matalaysa, arrintaas oo meesha ka saaraysa nidaamkii hore ee ku salaysnaa in xilalka lagu maro qof aadan dooran ama go’aanno aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka.
Doorashadan ayaa ah mid dib u soo nooleyneysa kalsoonidii dadweynaha ee nidaamka doorashooyinka, isla markaana muujinaysa horumar la taaban karo oo laga gaaray dhismaha dowlad ku dhisan rabitaanka shacabka.
Muwaadiniinta Gobolka Banaadir ayaa maanta helaya fursad ay ku muujiyaan aragtidooda siyaasadeed, iyagoo si xor ah u dooranaya musharrixiinta ay u arkaan inay u qalmaan hoggaaminta golayaasha deegaanka.
Sidoo kale, doorashadani waxay astaan u tahay bilow cusub oo ku wajahan dowladnimo hufan, isla-xisaabtan iyo ka-qaybgal bulsho oo ballaaran, iyadoo la filayo in natiijadeedu ay door weyn ka qaadato horumarinta adeegyada bulshada, amniga iyo horumarinta magaalooyinka.
Guud ahaan, Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, laguna dhiirrigelinayo shacabka Soomaaliyeed inay si buuxda uga qaybqaataan masiirkooda siyaasadeed iyo mustaqbalka dalkooda.