Dhuusamareeb, 25/12/2025; Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Caasimadda Muqdisho oo maanta si nabadgelyo, xasillooni, xadaarad iyo horumar leh ugu dareeray goobaha codbixinta ee doorashooyinka Golaha Deegaanka degmooyinka Gobolka Benaadir.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Guddiga Qaran ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo hay’adaha ammaanka dalka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkooda shaqo, isla markaana ay u xaqiijiyeen in doorashadu ku qabsoonto si nabad ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay in tallaabadani ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, go’aanka taariikhiga ah iyo dadaalka joogtada ah ee uu galiyay in 60 sano kaddib shacabka Caasimaddu codkooda ku doortaan matalayaashooda Golaha Deegaanka, isaga oo ugu baaqay shacabka Galmudug in ay u diyaar garoobaan in ay codkooda ku soo doortaan Madaxdooda.