“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Marwada Koowaad oo Codkooda Dhiibtay, Rajada Shacabka Muqdisho oo Cirka Isku Shareertay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Qamar Cali Cumar, ayaa maanta codkooda ka dhiibtay Seejada Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay si habsami leh uga socotay doorashada tooska ah ee Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ayaa si nidaamsan u gutay waajibaadkooda dastuuriga ah, iyaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in muwaadiniintu ka qayb qaataan go’aaminta mustaqbalkooda siyaasadeed, taas oo saldhig u ah hirgelinta dimuqraadiyad dhab ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Doorashadan ayaa si weyn u kicisay rajada iyo yididiilada shacabka Muqdisho, kuwaas oo muddo dheer u taamayay in ay helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan matalayaashooda Goleyaasha Deegaanka. Ka-qaybgalka ballaaran ee shacabka, jawiga nabdoon iyo nidaamka hufan ee ay doorashadu ku socotay ayaa noqday astaan muujinaysa biseyl siyaasadeed iyo kalsoonida sii kordheysa ee muwaadiniinta ku qabaan geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen Guddiga Qaran ee Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, hay’adaha ammaanka iyo dhammaan bahda ku lugta leh hirgelinta doorashadan, isaga oo xusay in wada-shaqeyntooda ay suuragelisay in doorashadu ku qabsoonto si nabad ah, xasilloon oo la isku halleyn karo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in doorashooyinka tooska ah ee Goleyaasha Deegaanka ay yihiin tallaabo taariikhi ah oo dib u soo noolaynaysa kalsoonida shacabka, isla markaana xoojinaysa dowlad-wanaagga, isla-xisaabtanka iyo maamul ku dhisan adeegga bulshada.

Shacabka Caasimadda ayaa muujiyay rajo weyn oo ku aaddan in Goleyaasha Deegaanka ee la soo dooran doono ay door muuqda ka qaadan doonaan horumarinta adeegyada bulshada, amniga, nadaafadda, iyo horumarinta nolosha magaalada, taas oo sii xoojinaysa xiriirka ka dhexeeya maamulka iyo bulshada uu matalo.

Doorashadan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Qaranka Soomaaliyeed, maadaama ay astaan u tahay horumar siyaasadeed oo la taaban karo, isla markaana shacabka Gobolka Banaadir u horseedaysa mustaqbal ay codkoodu leeyahay miisaan iyo saamayn togan.