Aqoonsiga Maamulka Somaliland oo Lagu Tilmaamay Ku Xadgudub Qaranimada iyo wadda jirka ummada Soomaaliya.

Aqoonsigii maamulka gooni-u-goosadka Somaliland ayaa si ballaaran loo cambaareeyay, iyadoo lagu tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dalal dhowr ah oo saaxiib la ah Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiday tallaabadan, kana istaagay mowqif cad oo isla markaasina taageeray, midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dalalkaas waxaa ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga, Turkiga, Masar iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaas oo adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, ururro caalami ah iyo kuwo goboleed ayaa cambaareeyay aqoonsigan, iyagoo ku celiyay ixtiraamka sharciga caalamiga ah. Waxaa ka mid ah Midowga Afrika (AU), Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kuwaas oo dhammaantood si mideysan u taageeray midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Mowqifyadan caalamiga ah ayaa muujinaya in beesha caalamku ay garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay diidan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qaranimada iyo wadajirka dalka Somalia.