Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay waxa ay ugu yeertay “Dhulka Somaliland,” iyadoo ku tilmaantay fal si cad ugu xadgudbaya madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ciraaq waxay carrabka ku adkaysay in tallaabadan ay si buuxda uga hor imanayso mabaadi’da sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ah ee qeexaya xuduudaha iyo madaxbannaanida dalalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa bayaan rasmi ah ku sheegtay in go’aankan uu yahay mid halis ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana sii hurin kara xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira Geeska Afrika. Waxay intaas ku dartay in, maadaama Ciraaq ay haatan hoggaaminayso Jaamacadda Carabta, ay si gaar ah u dareemayso masuuliyadda ka saaran difaaca qadiyadaha Carabta iyo kuwa Islaamka, gaar ahaan ilaalinta madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah beesha caalamka.
Ciraaq waxay mar kale adkaysay mowqifkeeda mabda’a ah ee ku salaysan ixtiraamka buuxa ee madax-bannaanida dalalka, midnimadooda dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimahooda gudaha. Sidoo kale, waxay ugu baaqday beesha caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah ee ay khusayso in ay qaataan mowqif cad oo mideysan oo ka dhan ah tallaabooyinka sharci-darrada ah ee noocan oo kale ah, si loo ilaaliyo sharcinimada caalamiga ah loogana hortago khalkhal hor leh oo ka dhasha gobolka.
Ugu dambayn, Jamhuuriyadda Ciraaq waxay muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku adkaysanaysa in xal kasta oo la xiriira arrimaha siyaasadeed ee dalkaasi uu ku imaan karo oo keliya wada-hadal, is-afgarad qaran iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.