Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si mideysan u muujiyay diidmo adag oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, iyagoo mar kale adkeeyay taageerada buuxda ee ay u hayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa caddeysay garab-istaagga ay la taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo si cad uga hor imaneysa xeerarka iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
Jamhuuriyadda Ciraaq, oo haatan ah guddoomiyaha Jaamacadda Carabta, ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
Jamhuuriyadda Yemen ayaa si cad u diidday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiriir ama aqoonsi kasta oo u dhexeeya Israa’iil iyo maamulka Somaliland, iyadoo ku adkaysatay in arrimaha Soomaaliya lagu xalliyo si waafaqsan sharciga caalamiga ah.
Dowladda Kuwait ayaa mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna si adag u diidday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado gobol ka mid ah dhulka Soomaaliya. Kuwait waxay arrintan ku tilmaantay mid si cad uga hor imaneysa sharciga caalamiga ah, waxayna adkaysay garab-istaagga ay la taagan tahay dowladda iyo hay’adaha sharciga ah ee Soomaaliya.
Boqortooyada Urdun ayaa iyaduna xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo amniga Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay mid ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da caalamiga ah.
Sidoo kale, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay faragelin aan la aqbali karin oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah. Labada urur ayaa ku baaqay in si buuxda loo ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lana ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.