Ra’iisul Wasaare Xamse: Soomaaliya Marnaba Ma Aqbalayso Qorshe Israa’iil Ku Doonayso Saldhigyo Ciidan oo Geeska Afrika ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Al-Jasiira ku sheegay in Israa’iil ay qorsheyneyso inay saldhigyo ciidan ka samaysato dalalka ku yaalla Geeska Afrika, si ay u maamusho dhaqdhaqaaqa maraakiibta badda iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Baabul Mandab.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in ujeeddada ugu weyn ee ka dambeysa tallaabooyinka uu qaadayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, gaar ahaan go’aamada aqoonsiga ku sheegga ah, ay tahay abuurista saldhigyo ciidan oo u sahla Israa’iil inay si toos ah u maamusho marin-biyoodka Baabul Mandab, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo amniga gobolka.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si cad u sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba aqbalayn wax tallaabo ah oo wax u dhimaya madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo danaha qaranka Soomaaliyeed. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u diidan tahay in dal shisheeye uu ka sameysto saldhigyo ciidan ama faragelin ku sameeyo arrimaha amniga iyo siyaasadda gobolka, gaar ahaan kuwa khatar gelin kara xasilloonida Badda Cas iyo Baabul Mandab.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda, wadajirka dalalka gobolka iyo iskaashiga ku dhisan ixtiraamka madaxbannaanida dowlad kasta, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay si dhow ula socdaan tallaabooyinka noocan ah ee keeni kara xiisado cusub oo gobolka