Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Hindisahan sharciyeed ayaa ujeeddadiisu tahay in si buuxda loo mamnuuco gudniinka fircooniga ah, maadaama uu yahay dhaqan waxyeello weyn u geysta caafimaadka, nolosha iyo xuquuqda aasaasiga ah ee gabdhaha iyo haweenka. Sharcigan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo badbaadada carruurta.
Saxiixa Madaxweynaha ayaa muujinaya sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay ciribtirka dhaqamada waxyeellada leh, iyo in la dhiso bulsho ku dhisan ixtiraamka xuquuqda haweenka, caafimaadka bulshada iyo horumarka mustaqbalka jiilka soo koraya.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, si loo fahamsiiyo halista caafimaad, mid nafsiyeed iyo mid bulsho ee gudniinka fircooniga. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka ay iska kaashadaan hirgelinta sharcigan, si loo xaqiijiyo badbaadada gabdhaha Soomaaliyeed.
Dhankeeda, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Marwo Shamsa Maxamed Yarow, ayaa soo dhaweysay saxiixa sharcigan, waxayna ugu baaqday dhammaan hay’adaha kala duwan, culimada, waxgaradka, hooyooyinka iyo bulshada rayidka ah inay door firfircoon ka qaataan fulinta sharcigan iyo la dagaallanka dhammaan dhaqamada waxyeellada u leh haweenka iyo gabdhaha.
Marwo Shamsa ayaa xustay in mamnuucidda gudniinka fircooniga ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay haweenka Koonfur Galbeed, isla markaana ay saldhig u tahay dhisidda bulsho caafimaad qabta, caddaalad ah, kana fog tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.