Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta ay Yahuuddu ku hayaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay Yahuuddu ku hayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaamtay mid si toos ah u dhaawacaysa madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Khudbad ay Kuwait ka jeedisay shirka degdegga ah ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa lagu caddeeyay inay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo qaranimadeeda.
Dowladda Kuwait waxay sidoo kale ku baaqday in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ku saleysan madaxbannaanida dalalka, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.