Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo Garoonka diyaaradaha Caasimadda Galmudug kusoo dhoweeyay, Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Garoonka diyaaradaha Caasimadda Galmudug kusoo dhoweeyay, Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo safar shaqo kusoo gaaray, deegaannada Galmudug.
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa magaalada Dhuusamarreeb kaga qayb galidoona, Shirka Madasha aragti wadaagga Hiritage oo sanadkani Galmudug ay martigalinayso, waxaan soo dhoweyntiisa ka qayb galay, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Wasiirro iyo Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Galguduud, kan Caasimadda Galmudug iyo Boqolaal shacab ah.