Dibadbax Balcad ka dhacay oo lagu cambaareeyay faragelinta Israa’iil.

Dibadbax ballaaran oo ay ka qeybgaleen boqolaal ka mid ah shacabka ku nool magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta halkaasi ka dhacay, kaas oo si adag loogu muujinayay diidmada faragelinta iyo xadgudubyada ay Israa’iil ku hayso wadajirka dhuleed, madax-bannaanida iyo sharafta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dadweynaha isugu soo baxay bannaanbaxa ayaa watay boorar ay ku qornaayeen hal-ku-dhigyo ka tarjumaya midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo cambaareynta falalka ay Israa’iil kula kacday Soomaaliya.

Intii uu socday dibadbaxa, dadkii ka hadlay madasha ayaa ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali doonin wax kasta oo wax u dhimaya midnimada dhuleed iyo qaranimada dalka. Waxay sidoo kale sheegeen in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo xaq u leh in la ixtiraamo xuduudihiisa, isla markaana aan loo dulqaadan karin faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalka.

Qaar ka mid ah waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta deegaanka ee ka qeyb galay dibadbaxa ayaa ugu baaqay beesha caalamka, Qaramada Midoobay iyo ururrada xuquuqul insaanka inay si degdeg ah uga jawaabaan xadgudubyadaasi, isla markaana ay ka qaadaan tallaabooyin cad oo lagu ilaalinayo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Gebogabadii, dibadbaxa ka dhacay magaalada Balcad ayaa ahaa mid si nabad ah ku dhammaaday, iyadoo shacabka ay muujiyeen midnimo, wacyi qaran iyo dareen qoto dheer oo ku aaddan difaaca qaranimada iyo sharafta dalka.