Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cayduruus Macallin Xasan, iyo Agaasimaha Guud ee cusub ee dhawaan xilka loo magacaabay, Mudane Cabdulqaadir Cilmi. Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin sare, agaasimeyaal waaxeed iyo shaqaalaha wasaaradda.
Wasiir Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii Guud ee hore doorkii iyo dadaalkii uu ku bixiyay horumarinta howlaha wasaaradda muddadii uu xilka hayay, isagoo sidoo kale Agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu sii laba jibbaaaro shaqada, isla markaana uu dardar geliyo hirgelinta siyaasadaha iyo qorshayaasha wasaaradda ee la xiriira arrimaha federaalka, dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta.
Dhankiisa, Agaasimihii Guud ee hore ayaa mahadnaq u jeediyay hoggaanka wasaaradda iyo shaqaalaha, halka Agaasimaha cusub uu ballan qaaday inuu si hufan u gudan doono waajibaadka loo igmaday, una shaqeyn doono horumarinta adeegyada iyo tayeynta howlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.