Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Nasiib Buundo, qeybteeda degmada Shibis, taas oo si buuxda loo dhammaystiray, kana mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in waddadan ay tahay mid tayo sare leh, isla markaana 100% ay maalgelisay Dowladda Hoose ee Muqdisho, taas oo muujinaysa dadaalka maamulka ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, bilicda iyo isu-socodka magaalada.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu u mahadceliyey shirkadda Al-Buruuj ee fulisay mashruuca, isaga oo xusay in heshiiska lala galay uu dhigayo mas’uuliyad buuxda oo la xiriirta tayada dhismaha. Waxa uu bulshada degmada Shibis ugu baaqay inay ilaaliyaan nadaafadda waddada, halka maamulka uu ballan qaaday in shaqaale nadaafadeed loo xilsaarayo qaybo ka mid ah waddada.
Waddada Nasiib Buundo, oo isku xirta jidka Beexaani ilaa Maanaboolyo, ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo horumarineed, iyadoo la bilaabay wajiga labaad ee dariiqan oo ka billaabanaya Boondheere kuna eg darbiga Madaxtooyada Qaranka. Mashruucan ayaa sidoo kale lagu rakibay leerarka ku shaqeeya tamarta cadceedda (solar) si loo xoojiyo amniga habeenkii.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xusay in laga billaabo sanadka 2026, inta badan waddooyinka Muqdisho loo rogi doono laami casri ah, isaga oo adkeeyey in Soomaaliya aan la kala jari karin, kuna baaqay midnimo, wadajir iyo isku duubni shacabka Soomaaliyeed.