Dood-wadaag ka dhacay Baydhabo oo looga hadlay amniga iyo caddaaladda.

Magaalada Baydhabo ayaa lagu qabtay kulan dood-wadaag ah oo looga hadlayay arrimaha amniga iyo caddaaladda, taasoo qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadeynta iyo wada-shaqeynta bulshada iyo dowladda ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Amniga iyo Caddaaladda ee Dowladda Koonfur Galbeed, maamulka Degmada Baydhabo, saraakiisha amniga, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada, taasoo muujinaysa wada-shaqeyn ballaaran iyo ka qaybgal bulsho oo heer sare ah.

Intii uu socday kulanka, bulshada ayaa si furan su’aalo uga weydiisay mas’uuliyiinta dowladda, kuwaas oo la xiriiray amniga degmada iyo gobolka, xoojinta caddaaladda, sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta dowladda iyo shacabka, iyo tallaabooyinka lagu xallinayo caqabadaha amni ee ka jira deegaanka. Mas’uuliyiinta ayaa ka jawaabay su’aalahaas, iyagoo sharaxaad ka bixiyay qorshayaasha iyo tallaabooyinka ay qaadayaan si loo adkeeyo amniga, loo ilaaliyo caddaaladda, loona kobciyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada.

Kulankan dood-wadaaga ah ayaa sidoo kale ahaa fursad muhiim u ah bulshada deegaanka Baydhabo inay si toos ah codkooda u gaarsiiso mas’uuliyiinta, isla markaana ay uga qaybqaataan horumarinta nidaamka amniga iyo caddaaladda, iyadoo la dhiirrigelinayo wada-tashi iyo ka qaybgal bulsho oo dhab ah.