Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka qayb galay Munaasabadda qalinjebinta dufcadda 6-aad ee ardayda Jaamacadda Admas University faraca Garoowe. Tirada guud ardayda Qalinjebisay ayaa dhan 150, kuwaasoo bartay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hambalyo, dardaaran iyo duco usoo jeediyey ardayda qalinjebisay, isagoo ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen waxbarashada Jaamacadda kuna dhiirigeliyay inay aqoontooda ku biiriyaan horumarka dalka iyo dadka.
Madaxweyne ku-xigeeenka, ayaa sidoo kale xusay kaalinta muhiimka ah ee waxbarashadu u leedahay horumarka Puntland, waxaana uu adkeeyay sida ay Dowladda Puntland uga go’antahay taageerada iyo sarre u qaadista tacliinta sare.
Munaasabadda Qalinjebinta waxaa Madaxweyne ku-xigeenka kala qayb galay Wasiirka Caddaalada, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Xildhibaano, Qunusul Itoobiya ee Puntland,Maamulka Jaamacadda Admas, Arday, Nabadoono, Waalidiin Waxgarad iyo