“Madaxweynaha Galmudug oo Soo Dhaweeyay Madaxweyne Hore Sharif Sheekh Axmed oo Ka Qayb Galay Madasha Aragti Wadaag”

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sharif Sheekh Axmed, oo gaaray caasimadda Dhuusamareeb si uu uga qayb galo Madasha Aragti Wadaag, oo sanadkan martigelisay Dowladda Galmudug.

Madashan oo ay abaabulay Machadka Heritage, ayaa lagu gorfeeyaa arrimaha siyaasadda, horumarka, iyo wada-shaqeynta bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la isku weydaarsanayo fikrado iyo aragtiyo ku saabsan mustaqbalka dalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xusay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, isla markaana la dhiirrigeliyo doodaha wax dhisaya ee ka dhaca madasha noocan oo kale ah.