Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo shir gudoomiyey kulanka Hogaanada, Qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan .

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Hogaanada, Qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan oo Todobaadkan looga hadlay dhamaystirka Mashaariicda Horumarineed ee ka socda xarumaha Boliiska ,Amniga guud waxaana Ciidamada iyo Saraakiishaba looga digay inaysan doorna ku yeelan siyaasadda si aysan ulumin dhexdhedaadnimada iyo Sharafta Ciidanimo.
Furitaanka kulanka ayuu Taliyuhu Bogaadin iyo Mahadcelin u jeediyey Saraakiishi iyo Ciidamadii ka shaqeeyey sugidda Amniga Doorashadii ka qabsoontay Gobalka Banaadir , dedaalka ay Ciidamdaasi muujiyeen ayuuna xusay in uu Horseeday in si Nabad iyo Xasilooni ku jirto ku soo dhammaaday geeddi socodka Doorashada Dadweyne ee Qof iyo Codka ahaa.
Kulanka waxaa sidoo kale Warbixin looga dhagaystay Guddi u xilsaaran Horumarinta Mashaariicda Dhismayaasha ee lagu Horumarinayo xarumaha Boliiska , waxayna shegeen in heer gabo gabo ah marsiinayaan xarumo uu ku jiro Taliska guud ee Ciidanka Boliiska dhawaana xarig jaris lagu sameynayo.
Geba gebadii kulanka Taliyaha ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada uga digay ku milinka Siyaasadda waxaana uu sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo Askariga ama Sarkaalka isagoo xiran Dharka Ciidanka lagu helo fal dambiyeedka ka dhanka ah Ciidamada