Dowladda Soomaaliya oo Imaamyada Masaajidda ku Amartay Khudbadda Jimcaha in Looga Hadlo Midnimada Dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay Imaamyada Masaajidda ku yaalla guud ahaan dalka in Khudbadda Jimcaha ee soo socota ay si gaar ah uga hadlaan muhiimadda ay leedahay midnimada qaranka iyo mowqifka dowladda ee la xiriira arrinta aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil. Amarkan ayaa ka yimid Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, iyadoo la sheegay in ujeeddadu tahay wacyigelin bulsho iyo adkeynta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in masaajiddu ay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee bulshada laga gaarsiiyo farriimaha ku saabsan masiirka dalka, isla markaana Imaamyada laga doonayo inay doorkooda ka qaataan ilaalinta wadajirka ummadda, xasilloonida, iyo ka hortagga kala qeybsanaan siyaasadeed iyo mid bulsho.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u muujisay diidmadeeda ku aaddan tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo midnimada dhuleed ee dalka, iyadoo ku tilmaantay arrinta aqoonsiga Somaliland mid ka hor imaaneysa madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda ayaa sidoo kale ku baaqday in bulshada Soomaaliyeed ay ka feejignaadaan warar iyo tallaabooyin keeni kara kala fogaansho iyo xasarad.

Dhanka kale, qaar ka mid ah culimada iyo bulshada rayidka ah ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay amarkan, iyadoo qaar ay taageereen doorka Imaamyadu ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, halka qaar kalena ay ku baaqeen in masaajidda laga ilaaliyo muran siyaasadeed oo toos ah. Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa sheegtay in farriinta la gudbinayo ay tahay mid qaran oo ku saleysan midnimo, wadajir iyo dan guud.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo kuwo amni oo xasaasi ah, kuwaas oo u baahan isku-duubni qaran iyo wadashaqeyn ka dhexeysa dhammaan qeybaha bulshada, gaar ahaan culimada diinta oo door weyn ku leh hagidda fikirka bulshada