Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre Oo Bogaadiyey Horumarka iyo Nabadgelyada Ka Hanaqaaday Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga magaalada Dhuusamareeb, ayaa caawa booqday goobaha lagu nasto ee magaalada, halkaas oo uu ku bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka muuqda ee ka hirgalay caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha, oo waqti la qaatay bulshadii uu kula kulmay goobahaas, ayaa la caweeyey shacabka, isaga oo muujiyey farxad iyo qanacsanaan ku aaddan jawiga nabadeed, isdhexgalka bulshada iyo bilicda guud ee magaalada. Waxa uu kula dardaarmay bulshada in ay sii xoojiyaan kaalinta ay ku leeyihiin adkaynta nabadda, kobcinta horumarka, iyo xoojinta wadajirka iyo is-garab istaagga bulshada.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in amniga iyo xasilloonida ka jirta Dhuusamareeb ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee horseeday horumarka dhaqaale iyo mid bulsho ee magaalada, isaga oo tilmaamay in nabaddu ay saldhig u tahay dhammaan dadaallada horumarineed. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu ammaanay ganacsatada iyo guud ahaan shacabka magaalada doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska, horumarinta, iyo qurxinta caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.