Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay hawlgal gaar ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay. Deegaankan ayaa ka mid ahaa xarumaha ugu waaweyn uguna muhiimsanaa ee ay ku sugnaayeen Khawaarijta, islamarkaana ay u adeegsan jireen xarun abaabul, qorsheyn iyo marin-habaabinta shacabka.
Hawlgalkan ayaa si gaar ah loo beegsaday goobo ay deggenaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo door firfircoon ku lahaa dhibaatooyinka amni ee ay ka geysanayeen deegaannada Koonfur Galbeed. Intii uu hawlgalku socday, waxaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad, kuwaas oo dhammaantood ku sugnaa bartilmaameedyadii la beegsaday.
Sidoo kale, ciidamada Danab ayaa hawlgalkaas ku burburiyay idaacad ku hadasha afka Khawaarijta oo ku taallay deegaanka Buula Fuleey, taas oo ay kooxda u adeegsan jirtay faafinta wararka been-abuurka ah, dacaayadaha marin-habaabinta ah iyo ku kicinta falalka argagixiso.
Hawlgalkan oo ku soo dhammaaday si guul ah, isla markaana aan wax khasaare ah kasoo gaarin Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada howlgallada ku wehlinayay, ayaa lagu tilmaamay mid dhabar-jab culus ku ah Khawaarijta, kana mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo halista argagixisada. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada hawlgalkan ayaa dhawaan lala wadaagi doonaa dadweynaha, Insha’Allaah.
Hawlgalkan guuleystay ayaa kusoo aadaya xilli maalmo gudahood lagu kordhiyay cadaadiska militari ee ka dhanka ah Khawaarijta, kaddib markii laba maalmood ka hor gobolka Jubbada Dhexe lagu beegsaday qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay kooxda, isla markaana shalay jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta duullaan ay kusoo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Tallaabooyinkan isdaba-joogga ah ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida ay ugu jiraan xaqiijinta amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.