Ruushka oo war ka so saaray weerarka Venezuela.

Ruushka ayaa bayaankiisii ugu horeeyay ka soo saaray weerarka Mareykanka ee dalka Venezuela.

“Waxaan si aad ah uga walaacsanahay wararka sheegaya in Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, iyo xaaskiisa si qasab ah looga saaray dalka kadib tallaabooyinkii gardarrada ahaa ee maanta uu qaaday Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaardda arrimaha dibadda Ruushka.

“Waxaan ku baaqeynaa in xaaladdan si degdeg ah loo kala caddeeyo. Tallaabooyinkaas, haddii ay dhab ahaantii dhaceen, waxay ka dhigan yihiin xadgudub aan la aqbali karin oo ku saabsan madaxbannaanida dowlad madax-bannaan, taas oo ixtiraamkeedu yahay mabda’ muhiim ah oo sharciga caalamiga ah.ayuu inta aku daray bayaanka Ruushka