Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim, oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Aadan Mukhtaar Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb galay shir muhiim ah, oo looga hadlayo horumarinta khayraadka dalka.
Shirka Ayaa diirada lagu saaray wadashaqeynta iyo hormarinta kheyraadka,iyo waxyaabaha lasoo qabtay labadii sano ee lasoo dhaafey.
Wasaarada batroolka iyo macdanta dowladda Koonfur Galbeed somaalia ayaa xooga saartay halka sano ee lasoo dhaafey, midaynta qorshayaasha lagu maareeyo kheyraadka dabiiciga ah iyo dardargelinta howlaha, batroolka iyo macdanta, iyadoo wasiirka ay halkaas u tagay sidii ay u xoojin lahaa iskaashiga dowladda dhexe iyo dowlada koonfur gaalbeed soomalia si loo gaaro barwaaqo dhaqaale oo waarta.