Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer shaqo ku sameeyay fariisimaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Beledweyne.
Kormeerkan ayaa si gaar ah ugu saabsanaa Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee ka tirsan Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo si buuxda uga howlgala sugidda amniga iyo difaaca magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku xeeran. Taliyaha ayaa mid mid u dul istaagay xaaladda guud ee fariisimaha, diyaargarowga ciidanka, iyo sida ay u gutayaan waajibaadkooda qaran.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS ayaa la kulmay saraakiisha, saraakiil ku xigeennada, iyo askarta ka howlgasha guutooyinkaasi, isagoo geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan difaaca qaranka, korna u qaadaan feejignaanta iyo heeganka ciidanka, isla markaana ay dardargeliyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday si waafaqsan qorshaha hoggaanka sare ee ciidanka.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay ilaalinta wada shaqeynta, anshaxa ciidannimo, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo amni waara iyo difaac qaran oo adag.
Booqashadan kormeerka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ugu kuurgalaan xaaladda ciidanka ee gobollada dalka, kuna dhiirrigeliyaan kuna xoojiyaan doorka muhiimka ah ee ay ciidamadu ku leeyihiin difaaca qaranka, sugidda amniga, iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
