Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta gallinkii dambe hoygiisa magaalada Boorama ku booqday ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi, Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Madaxweyne ku-xigeenka waxa booqashadiisa ku wehelinayey Wasiir ku-xigeenka Beeraha, Agaasimaha Guud ee Duulista Hawada iyo horumarinta Madaarada iyo Badhasaabka Gobolka Awdal.
Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa Madaxweyne ku-xigeenka JSL uga mahad naqay booqashada uu ugu yimid, isaga oo ugu duceeyey in uu Allah SWT xilka ku asturo.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa si mug leh ugu mahad celiyey Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.