Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in kulanka diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan hakinta dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee gudaha, kadib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland.
Sidoo kale, kulanka waxaa qeyb ka ah arrimaha la xidhiidha shirka la filayo inuu ka furmo Garoowe, halkaas oo guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay maanta gaadheen, si ay u dardargeliyaan qaban-qaabada shirkaas.