Golaha Ammaanka ayaa haatan leh kulan ajandihiisu yahay “khatarta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”, kaddib weerarkii Mareykanka uu ku qaaday dalka Venezuela.

Rosemary DiCarlo, oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee arrimaha siyaasadda iyo dhismaha nabadda, ayaa la filayaa in ay soo jeediso bayaan iyada oo wakiil ka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Colombia, oo ay taageerayaan Shiinaha iyo Ruushka, ayaa codsaday kulanka.