Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta ah dhagax-dhigay mashruuca dhismaha waddada laamiga ah ee Jamhuuriya .

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa khamiista maanta ah dhagax-dhigay mashruuca dhismaha waddada laamiga ah ee Jamhuuriya oo dhererkeedu yahay 3.4 KM (Ku-dhawaad Seddex Kilomitir iyo Bar), taasoo marka labada dhinac la isku daro ka dhigaysa 7KM (Ku-dhawaad Todobo Kilomitir).
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo munaasabadda dhagax-dhigga khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in canshuuraha laga qaado shacabka caasimadda dib loogu celinayo horumar muuqda oo la taaban karo, gaar ahaan dhismaha kaabayaasha muhiimka ah.
“Canshuurta aan ka qaadno shacabka Muqdisho waan u ballan-qaadnay inaan dib ugu celinayno, waddooyinka aan dhisnay, kuwa socda iyo kuwa maanta billowday ayaana marqaati ka ah.” ayuu yiri.
Isagoo intaas ku daray in mashruuca dhismaha Waddada Jamhuuriya uusan ahayn mid munaasabad iyo igu-sawir uun ku eg, balse uu yahay mid si buuxda loo maalgeliyay.
“Waddada Jamhuuriya marar hore waa la dhagax-dhigay, balse tan maanta ma aha sawir; lacagtii waan bixiyay, (Wejiga Koowaad) dhismuhuna isla maanta ayuu billaabanayaa.” ayuu yiri.
Waddadan oo yeelan doonta ballac dhan 30 mitir, ayaa lagu dhisi doonaa halbeegyo casri ah. “Waddadu waa 30 mitir, dhisme kasta oo jidka soo galay waa la duminayaa, dukumentiyadii dambena waa la kansalay, waxaana dhisaynaa waddo tayo leh oo u qalanta caasimadda Muqdisho.” ayuu hadalkiisa sii saaciyay.
Mashruuca dhismaha waddada Jamhuuriya ayaa la filayaa in uu door muhiim ah ka qaato horumarinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga, kor-u-qaadista bilicda magaalada, iyo abuurista jawi nololeed oo ku habboon shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan.