Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Qado-sharaf u Sameeyay Xildhibaannada Labada Aqal ee BFS ku Metela Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E. Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta qado-sharaf ku maamuusay hoygiisa magaalada Garoowe qaar ka mid ah Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Puntland, kuwaas oo booqasho shaqo ku jooga caasimadda Puntland.

Kulanka ayaa ahaa mid is-xogwaraysi iyo wadatashi ah, waxaana si qoto dheer looga wada hadlay guud ahaan xaaladda siyaasadeed, amni iyo horumar ee dalka Soomaaliya. Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Xildhibaannadu waxay si gaar ah u falanqeeyeen doorka muhiimka ah ee Puntland ku leedahay dowlad-dhiska Soomaaliya, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee ka socda gobolka, caqabadaha jira, iyo fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa adkeeyay in Puntland ay mar walba ka go’an tahay ka qayb-qaadashada dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan wada-tashi, is-ixtiraam iyo sinaan.

Xildhibaannada labada Aqal ee kulanka ka qayb galay ayaa dhankooda soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska, horumarinta amniga, iyo ilaalinta midnimada dalka, iyagoo xusay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta u dhexeysa Puntland iyo hay’adaha Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii adkeeyo wadatashiga joogtada ah, lana xoojiyo doorka ay mas’uuliyiinta Puntland ku leeyihiin go’aamada masiiriga ah ee dalka, si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo dowladnimo waarta.