Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aan ay ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah, kaas oo ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsanayso maamulka Somaliland. Dowladda Hindiya ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay New Delhi ku shaaciyey mowqifka rasmiga ah ee dowladda Hindiya, isagoo carrabka ku adkeeyey in New Delhi ay mar walba ixtiraamto xuduudaha caalamiga ah ee dalalka madax-bannaan, isla markaana ay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada dalalka saaxiibka ah.
Randhir Jaiswal ayaa xusay in xiriir taariikhi ah, mid siyaasadeed, dhaqaale iyo mid iskaashi uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Hindiya, kaas oo salka ku haya is-ixtiraam iyo wada-shaqeyn muddo dheer soo jirtay. Waxa uu tilmaamay in Hindiya ay sii wadi doonto taageerada ay u hayso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo xasilloonida dalka.
“Waxaan si joogto ah u adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal, isagoo hoosta ka xarriiqay in mowqifka Hindiya uu waafaqsan yahay mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.
Hadalkan kasoo baxay Dowladda Hindiya ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalal badan oo caalamka ah muujiyeen diidmo cad oo ka dhan ah tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.