Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 14-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa:
Akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka.
dhagaysiga Warbixinta hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee xaaladaha abaaraha dalka.
Ugu horrayn, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Ibraahim Awgab Cismaan, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka hannaanka lacag-bixinta Qaranka. Guddoomiyuhu wuxuu faahfaahiyay sida uu guddigu u soo qaabeeyay aragtiyihii iyo talooyinkii ay horay u jeediyeen Sanatarradu. Intaas ka dib, cod ayaa loo qaaday hindise-sharciyeedka, waxaana si aqlabiyad leh u ansixiyay 28 Sanatar, iyadoo aysan jirin cid diidday ama ka aamusay.
Intaas kadib Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Sanatarrada Aqalka Sare xaaladda abaaraha ka jira dalka. Guddoomiyuhu wuxuu xusay in abaaruhu saameyn ballaaran ku yeesheen nolosha bulshada, gaar ahaan deegaanada miyiga ah, isla markaana ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar bani’aadannimo, iyadoo intaas kadib Sanatarrada qaar ay su’aalo kala duwan ka waydiiyeen xaaladda abaaraha, meelaha ugu daran iyo ka hay’ad ahaan waxa uga diyaarsan xaaladaha degdega ah.