Somaliland oo si adag uga falcelisay hadal ka soo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga XFS

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga falceliyay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, kaas oo uu ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelin millatari ku sameyn karto gobollada Waqooyi si, sida uu sheegay, loo ilaaliyo midnimada dalka.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa lagu muujiyay walaac xooggan, iyadoo hadalkaasi lagu tilmaamay hanjabaad cad oo halis ku ah amniga, xasilloonida iyo nabadgelyada Somaliland. Wasaaraddu waxay sheegtay in hadallada noocan oo kale ah ay si toos ah u carqaladeynayaan dadaallada nabadeed, isla markaana ay abuuri karaan xiisad colaadeed oo aan dan u ahayn shacabka ku nool gobolka.

Somaliland ayaa war-saxaafadeedkeeda ku xustay inay muddo dheer ku taagnayd nabad, is-xukun iyo xasillooni, ayna si buuxda uga go’an tahay ilaalinta amnigeeda iyo badbaadada muwaadiniinteeda. Sidoo kale, waxay ku adkaysatay in arrimaha ku saabsan mustaqbalkeeda siyaasadeed iyo amnigeeda ay yihiin kuwo ay si madax-bannaan u maamusho, islamarkaana aysan aqbaleyn wax faragelin ah oo dibadeed ama mid millatari.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinteeda in ay ka fogaadaan hadallo hurin kara colaado, isla markaana ay doortaan wadahadal, ixtiraam iyo nabad ku dhisan xiriirka labada dhinac, si loo ilaaliyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.