Golaha Shacabka oo Ansixiyey Axdiga Xakamaynta Tubaakada.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah oo ay yeesheen maanta ku ansixiyey Axdiga Caalamiga ah ee Xakamaynta Tubaakada, kaas oo lagu doonayo in lagu yareeyo waxyeellada caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee ka dhalata isticmaalka tubaakada.

Ansixinta axdigan ayaa ku timid cod aqlabiyad leh, iyadoo 139 xildhibaan ay si buuxda u taageereen, saddex xildhibaan ay ka aamuseen, halka uusan jirin xildhibaan si cad uga soo horjeestay. Tani waxay muujinaysaa taageero ballaaran oo ay xildhibaannadu u hayaan dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka.

Axdiga Xakamaynta Tubaakada ayaa ah heshiis caalami ah oo ay hoggaaminayso Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), waxaana uu diiradda saarayaa xakamaynta isticmaalka tubaakada, mamnuucidda xayaysiinta iyo dhiirrigelinta tubaakada, kordhinta canshuuraha la saaro, iyo wacyigelin guud oo bulshada lagu baraarujinayo khataraha caafimaad ee ka dhasha.

Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in ansixinta axdigan ay tahay tallaabo muhiim ah oo horey loogu qaadayo horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, isla markaana ay u gogol xaarayso sharciyo iyo siyaasado lagu yareynayo cudurrada la xiriira isticmaalka tubaakada.

Marka uu axdigani dhaqan galo, waxaa la filayaa in dowladda federaalka iyo hay’adaha ay khuseyso ay bilaabaan hirgelinta qodobbadiisa, si loo xaqiijiyo ilaalinta caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed.