Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada laascanood.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari.
Wefdiga Guddoomiyaha, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Xumuumadda Federaalka ee kala ah Wasiirka Amniga, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Senatorro, Saraakiil iyo masuuliyiin kale, ayaa markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Awxasan, xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Waqooyi Bari, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad iyo wefdigiisa ayaa, markii ay gaareen magaalada, kulan hordhac ah hoygiisa kula yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdrishiid Yuusuf Jibriil (Abwaan).