Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo maanta booqasho ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan aagga Guumays.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta booqasho ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari ee ku sugan aagga Guumays.
Wasiir Fiqi ayaa ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadda, ilaalinta midnimada, wadajirka dalka, iyo ka hortagga faragelin kasta oo shisheeye oo lagu doonayo kala-goynta Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay feejignaanta amni iyo u diyaargarowga difaaca qaranka.
Intii uu booqashada ku guda jiray, wasiirku wuxuu kormeeray xaaladda guud ee ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa, isla markaana ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay difaaca dalka, goob kasta iyo goor kasta.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku xaqiijinayso dhiirrigelinta iyo kor u qaadidda tayada iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka kaga sugan yihiin.