Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabayaasha gaadiidka iyo duulista hawada, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay casriyeynta iyo ballaarinta garoomada diyaaradaha ee deegaannada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari. Masuuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la helo kaabayaal gaadiid oo casri ah, kuwaas oo fududeyn kara isu socodka dadka iyo badeecadaha, isla markaana dhiirrigelin kara kobaca ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha guud ee dalka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay doorka ay kaabayaasha duulista hawadu ku leeyihiin horumarinta adeegyada bulshada, isku xirka gobollada, iyo sare u qaadidda fursadaha shaqo, iyada oo la xoojinayo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Labada masuul ayaa sidoo kale kulankooda si gaar ah diiradda u saaray xaaladda amniga ee magaalada Laascaanood, iyagoo ka wada hadlay qorsheyaal lagu xoojinayo sugidda amniga iyo u diyaargarowga munaasibadda caleemo-saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, taas oo la filayo inay maalmaha soo socda ka dhacdo magaalada Laascaanood. Waxay carrabka ku adkeeyeen in munaasibaddaasi ay tahay mid qaran oo u baahan isku-duwid iyo feejignaan amni si ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo ammaan ah.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad iyo ballanqaad ku saabsan dardargelinta mashaariicda horumarineed, xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyo xaqiijinta in magaalada Laascaanood ay noqoto mid si buuxda ugu diyaar ah munaasibadda caleemo-saarka iyo soo dhaweynta martida kala duwan ee ka iman doonta gudaha iyo dibadda dalka.