Madaxweynaha Jubaland oo maanta guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland, kaas oo looga hadlay qodobo muhiim.
Intii uu kulanku socday, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda amniga guud ee deegaanada Jubaland, iyadoo la wadaagtay qiimeyn dhammaystiran iyo tallaabooyin istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo sugidda amniga iyo la-dagaallanka khataraha amni.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa Golaha hor dhigtay warbixin ku saabsan horumarka ilaa hadda laga gaaray dejinta hanaanka doorashooyinka Golaha Deegaanka, iyo dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo geeddi-socod doorasho oo hufan.
Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan gurmadyo kala duwan oo Wasaaraddu gaarsiisay Deegaanka Jannaa Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo ay kamid yihiin taageero loo fidinayay dadka Abaarahu ay sameeyeen iyo mid ay ku garab istaageen Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubaland.
Ugu dambayn, Wasaaradda Gargaarka, Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha Wasiirrada ka siisay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Jubaland, iyadoo si gaar ah u iftiimisay baahiyaha degdegga ah ee shacabka ay abaartu saameysay, iyo tallaabooyinka gurmad ee haatan socda, kuwaas oo lagu yareynayo saameynta abaarta laguna badbaadinayo nolosha dadka nugul.