Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta ah daahfuray diiwaangelinta ceelasha biyaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee sifeeya biyaha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Khamiista maanta ah daahfuray diiwaangelinta ceelasha biyaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee sifeeya biyaha. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshayaasha horumarineed ee lagu xoojinayo helitaanka biyo nadiif ah, hubinta tayada adeegyada biyaha, iyo ilaalinta caafimaadka bulshada gobolka.
Munaasabadda daahfurka oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, wakiillo ka socday hay’adaha biyaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay ee sifeeya biyaha, iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, ayaa lagu dhiirrigeliyey iskaashiga ka dhexeeya maamulka, shirkadaha, iyo bulshada si loo xaqiijiyo adeeg biyo oo waara, hufan, islamarkaana loo yareeyo khataraha caafimaad ee ka dhasha isticmaalka biyo aan nadiif ahayn.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xusay in diiwaangelintan ay ka mid tahay dadaallada maamulka ee lagu hubinayo tayada biyaha, kor loogu qaadayo isla xisaabtanka shirkadaha bixiya adeegyada biyaha, isla markaana lagu fududeynayo qorsheynta horumarineed ee la xiriirta adeegyada aasaasiga ah.
Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bulshada ugu baaqay inay ka qeybqaataan dadaallada horumarineed, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha iyo shirkadaha sifeeya biyaha, si loo xaqiijiyo helitaanka biyo nadiif ah oo ammaan ah.