Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo gaaray magaalada Laascaanood isagoo ka qayb gali doona caleema-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari. Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee DFS, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.