Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo uu kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Odeyaasha Dhaqanka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.
Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynahu ayaa ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, iyagoo muujiyey dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.