Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta ka qayb galaya Munaasabadda Caleemo-saarka Hoggaanka Waqooyi Bari Soomaaliya, taas oo si weyn loo soo agaasimay, haatanna ka socota magaalada Laascaanood.
Munaasabaddan taariikhiga ah ayaa ah mid muujinaysa midnimo, wadajir iyo dib-u-heshiisiin bulsho, waxaana si ballaaran uga soo qayb galay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjirayaal iyo wakiillo ka socda qaar ka mid ah dalalka caalamka, hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, culimada, siyaasiyiin, iyo marti sharaf kale oo heerar kala duwan leh.
Ka-qaybgalka Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa tilmaamaya taageerada Galmudug ay u hayso geeddi-socodka nabadda, dowlad-dhiska iyo xasilloonida guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhaxeysa hoggaannada Soomaalida.
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa la filayaa in hoggaanka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ay jeediyaan khudbado ku saabsan jihada siyaasadeed, amni iyo horumarineed, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashi qaran, ilaalinta midnimada dalka, iyo horumar waara oo ku saleysan wada-tashi iyo dowladnimo hufan.
Munaasabadda caleemo-saarka ayaa sidoo kale loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xasilloonida siyaasadeed iyo wada noolaanshaha bulshada, taas oo rajo wanaagsan gelinaysa mustaqbalka geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.