Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Madaxtooyada Ku qaabilay Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Madaxtooyada Ku qaabilay Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire H.E Francesca Di Mauro, iyo wafdiga ay hogaaminayso oo ay qayb ka yihiin masuuliyiin ka socday EUCUP iyo diplomaasiyiin.
Kulan waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga iyo hawlgalka CiribtirkaArgagixisada Daacish iyo Al-Shabaab, dimuqraadiyadda, mashaariicda horumarineed gargaarka bini’aadantinimo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa kulanka ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.