Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiillada Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1aad ee Kalfadhiga 13aad, oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Dr. Maxamed Nur Gacal.
Kulanka ayaa looga dooday Ajandeyaal muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen; Warbixin xaaladda guud ee deegaannada Galmudug iyo saameynta Abaarta Sanadkaan, Warbixin is-diiwaan-gelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka Galmudug, Diyaarin Jadwal-hawleedka Kalfadhiga 13aad, Ansixinta Waqtiga furitaanka Kalfadhiga 13aad, iyo Ansixinta Kaarka Aqoonsiga ee Sanadkan 2026.
Guddiga Joogtada ah ayaa dood iyo falanqeyn kaddib go’aanno kasoo saaray Ajandeyaashii kulanka, iyada oo la adkeeyey doorka Golaha ee la socodka xaaladaha Abaarta, Amniga iyo hannaanka doorashooyin Goleyaasha Deegaanka Galmudug.
Kadib Guddiga ayaa Ansixiyey Kaarka Aqoonsiga Xildhibaannada, dibna u dhigay furitaanka Kalfadhiga 13aad ilaa bisha April 2026, kadib bisha barakeysan ee Soonka.