Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa socdaal shaqo ku gaaray dalka Pakistan.
Inta ay joogaan dalkaasi, waxaa la filayaa kullamo in ay la yeeshaan madaxda dalka Pakistan si looga wada hadlo iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinacyada Aqoonsiga Qaranka iyo Diiwaangelinta Dadweynaha, arrimaha doorashooyinka, dimuqraadiyadda iyo dhinacyada gargaarka.
Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS waxaa caasimadda Islamabad kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka socda dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.
Safarka waxaa sidoo kale qayb ka ah
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan
Maareeyaha Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiwali Timacadde
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin
Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cismaan Cabdulaahi Kaniif.