Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey shir ay ka qeybgaleen Guddiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed, culima’udiin iyo ganacsatada Koonfur Galbeed.
Shirkan ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda abaareed ee ka jirta guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, iyo sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen, gaar ahaan dadka nugul ee ku dhaqan miyiga iyo magaalooyinka.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn iyo isku-tashi, isaga oo ugu baaqay ganacsatada, culima’udiinka iyo bulshada inteeda kale in ay door muuqda ka qaataan gurmadka iyo badbaadinta nolosha dadka ay abaaruhu halista ku hayaan.
Sidoo kale, Madaxweyne Laftagareen ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in ay dardargeliyaan dadaallada gargaarka, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si gargaar waara loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatadu saameysay.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta culima’udiinka iyo ganacsatada ee ku aaddan gurmadka abaaraha, isaga oo ku dhiirrigeliyey in la sii xoojiyo dadaallada bani’aadannimo ee lagu badbaadinayo shacabka Koonfur Galbeed.