Wafdi ballaaran ayaa soo gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Goboleedka Galmudug. Wafdigan waxa ka mid ah Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha JSF Maxamed Cabdullaahi, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Galmudug Senator Saciid Siyaad, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Guure iyo saraakiil ciidan. Martidan ayaa qayb ka noqon doona xafladda caleema-saarka Suldaan Cabdi Daahir Maxamuud Sabriye, oo maalinta berri ah lagu caleemo-saari doono Guriceel.