Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo safar shaqo ku jooga dalka Pakistan, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee caasimadda Islamabad.

Wasiirka ayaa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan, kaas oo wasiirka siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlaha safaaradda, xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyo guud ahaan xaaladda ay ku sugan tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dardargelinta adeegyada safaaradda, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, maamulka, iyo tababarada la xiriira hay’adaha dowladda.

Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa uga mahadceliyay Safaaradda Soomaaliya dadaallada ay ugu jirto u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Pakistan, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in jaaliyadda si dhow loola shaqeeyo, lana xoojiyo doorka safaaradaha Soomaaliyeed ee dibadda.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah safarka shaqo ee Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku joogo dalka Pakistan, kaas oo la xiriira xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo isdhaafsiga khibradaha la xiriira arrimaha federaalka, amniga gudaha iyo dib-u-heshiisiinta.