Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo bogaadisay doorka Shiinaha ee taageerada Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, waxay Dowladda Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha uga mahadcelinaysaa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay si weyn u qadarinaysaa iskaashiga sii kobcaya ee kala dhexeeya Dowladda Shiinaha, gaar ahaan wada-shaqeynta dhow ee ka dhexeysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ka tarjumeysa xiriirka istiraatiijiyadeed iyo is-fahamka labada dal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sidoo kale bogaadinaysa doorka wax ku oolka ah ee Mudane Fei Shengchao uu ka qaatay horumarinta iyo xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha, iyada oo la adkeynayo iskaashi ku saleysan ixtiraam, is-kaashi iyo dan wadaag.